Dagaalka Dowladdu qaaday inuu saxan yahay ama qaldan yahay waa su'aal Soomaali oo dhan u taalla, waxaanse xaqiijinayaa in Qarankeenna/Dalkeenna Caawa ceeb uu dhex taagan yahay.
Caawa dalka xaalkiisu waxaba ma dooriyo 1991-kii markii ay burburtay dowladdii jirtay, waxaa ceebeysan caawa qofkasta oo Soomaali ah. Waxaa ceeb ugu filan Soomaali idilkeed in Askartii dalkeennu ka tageen hubkoodii oo lasoo sawiray iyagoo dareemaya gunnimo.
Dowladdu iney ka adkaato Jubaland iyo iney ku guul dareysato waa qodobo raqiis ah oo Soomaali dhex yaalla, balse Qaran jabka caawa ay dhaxashay Soomaali waa Cibaaro cashar u baahan in laga qaato.
19991 To 2024!
Cali Aadan Muumin
0 Comments