Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay in ka badan 450 kalena waa ay ku dhaawacmeen mowjad labaad oo qaraxyo ah oo ka dhacay aaladaha isgaarsiineed ee wireless-ka ee dalka Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.
Walxaha qarxa oo ay isticmaalayeen kooxda hubeysan ee Xisbullah ayaa ku qarxay xaafadaha koonfureed ee magaalada caasimadda ah ee Bayruut, dooxada Bekaa iyo koonfurta Lubnaan oo loo arko inay ku xooggan tahay.
Qaraxyada qaar ayaa dhacay intii lagu guda jiray aaska ilaa 12 qof, kuwaas oo wasaaraddu ay sheegtay in lagu dilay isla walxaha qarxa oo ay isticmaaleen xubnaha Xisbullah Talaadadii. Ururka Xisbullah ayaa ku eedeeyay weerarka Israa’iil. Kamay hadlin Israa'iil.
Weeraradan ayaa ku soo aaday xilli wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Galant uu ku dhawaaqay “waji cusub oo dagaalka” iyo qayb ka mid ah ciidamada Israa’iil oo dib loo geeyay waqooyiga.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ka digay "khatarta halista ah ee ka dhalan karta koror weyn" wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay "xakameeyaan ugu badnaan."
0 Comments